Daraasad lagu eegayay tayada Biyaha Mooyasaxada

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud Cumar Cali Cabdilaahi ayaa  ka qayb galay  Daraasad lagu eegayey Tayada biyaha Mooya-sixada oo maanta lagu Soo bandhigay Magaladda Hargaysa.

Kulankan ayaa waxaa kasoo Qayb galay Shirkaddaha soo saara Biyaha mooya-sixada, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka , Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka iyo maamulka Wakaaladda Biyaha.

Daraasaddan oo dulucda waxyaabaha kasoo baxay ay noqotay in biyaha mooya-sixada dalku ay guud ahaan yihiin kuwo ku haboon cabitaanka marka loo eegayo heerka ay u udejisay Hay’adda Caafimaadka aduunku (WHO) iyo heer-tayeedyada ay dejiyeen Waddamada Bariga Africa ayaa sidoo kale  iftiimisay qodobo ay ka midyihiin: in 1) in macdanaha aasaasiga ah ee biyaha dabiiciga ah ku jira ay aad hoos ugu  dhacaan marka la sifeeyo biyaha loona baahanyahay in kor loo qaado, 2) in noocyada biyaha ee waaweyn(18 litre)  maadaama oo dib loo buuxiyo ay keento in ay ku dhalato il-maqabatiga bakteeriyada ah waxa ka mid ah (E.coli iyo Total Coliform), loona baahanyahay in xal loo helo  3. In la is waafajiyo qoraalka weheliya caagadaha mooya-sixada(Label) iyo macdanaha ku jira biyahaas.

Ugu damabayntii, waxa si wadir-jir ah la iskula qaatay in guddi farsamo oo ka kooban Shirkaddaha biyaha mooya-sixada iyo Hay’addaha Dawladda ee ku shaqada leh loo saaro, si loo hirgaliyo talo-soo-jeedintii kasoo baxday cilmibaadhistan oo ahayd wajiga labaad ee daraasaddii lasoo bandhigay horaantii bisha July, 2021.

Source:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Road Number 1., next hargeisa hospital (0.19 mi) Hargeisa, Somalia

Call Us Now at

Call Us Now at

988

Email Us at

Email Us at

info@somalilandmohd.com