Kulanka Falanqaynta Maamulka Dawooyinka

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka  Jamhuuriyadda Somaliland  oo ka duulaysa kor u qaadista iyo tayaynta adeega maamulka daawooyinka iyo agabka caafimaadka ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furtay kulan lagu faaqidayo maamulka iyo maareynta daawooyinka iyo aqabka caafimaadka si loo hubiyo tayadooda isla markaan loo dhiirigaliyo isla xisaabtanka.

Kulankan oo socon doona mudo laba maalmood  ayaa lagu gorfayn doona sidii loo heli lahaa habmaamul hufan sidoo kalana layskugu xidhi lahaa xarumaha kaydka daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee goboladda dalka iyo xarunta kaydhka daawooyinka guud ee magaaladda Hargaysa.

Wasaaradda ayaa ku hawlan wax ka badalka aqoonta shaqaalaha wasaaradda iyo kor u qaadista aqoontooda maamul si loo helo shaqaale aqoon sare u leh adeega ay qabanayaan.

Source: MOHD Facebook

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Road Number 1., next hargeisa hospital (0.19 mi) Hargeisa, Somalia

Call Us Now at

Call Us Now at

988

Email Us at

Email Us at

info@somalilandmohd.com