Madaxweynaha SL Oo Mahadnaq Ujeediyay Wasaradda Cafimaadka SL Kuna Amanay Hormarnta Cafimadka Dalka

Madaxweynaha JSL. Mud: Muuse Biixi Cabdi oo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL si gaar ah ugu mahadiyay masuuliyada iyo hawsha ay qaranka u hayso ee adeega caafimaadka.

Madaxweynaha oo ku gudajira qudbadiisii shirwaynaha Afaraad ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay waxa qudha ee uu xusayaa in ay tahay dedaalkii adag ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ay ka gashay Kahortaga iyo Xakamaynta Xanuunka Coronavirus.

Madaxweynaha oo deddaalka wasaaradda ku amaanay ayaa dhanka kale mahadnaq u diray: Dhakhtarada, bulshada, ganacsatada, hay’addaha iyo dhamaan cid kastoo ka qayb qaadatay deddaalkaasi isaga oo tilmaamay ta eebbe kasokow in wadajir iyo kaalmihii kala duwanaa ee cidiba awooddeeda ay kaga qayb qaadatay ay sahashay in laga bedbaado halistii badnayd ee Coronavirus dunida badankii uu u gaystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Road Number 1., next hargeisa hospital (0.19 mi) Hargeisa, Somalia

Call Us Now at

Call Us Now at

988

Email Us at

Email Us at

info@somalilandmohd.com