Tababarka Kala-korinta Ubadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo UNFPA

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mudane Maxammed Cabdi Xergeeye iyo madax ka socotay hayadda UNFPA ayaa maanta maagalada Hargaysa ka furay tababar  ku saabsan qaabka loo kala koriyo ubadka iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Tababarkan oo socon doona mudo 12 maalmood ah ayaa waxaa lagu tobabari doona shaqaalaha xirfadlayaasha caafimaadka ee goboladda si loo helo dad aqoon u leh habka ugu haboon ee loo kala koriyo ubadka.

Wasaaradda iyo ha’yaddaha ay gacan saarka leeyihiin ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa kor u qaadista tayadda aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka si loo helo shaqaale caafimaad oo dhisan aqoon ahaan bulshadda ay u adeegayaana siiya daryeel caafimaad oo ku haboon.

Source: MOHD Facebook

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Road Number 1., next hargeisa hospital (0.19 mi) Hargeisa, Somalia

Call Us Now at

Call Us Now at

988

Email Us at

Email Us at

info@somalilandmohd.com