
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Maxamed Cabdi Xergeeye iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka Kormeer iyo indho indhayn ku tagay Dhakhtarka wayn ee Magalada Hargaysa.
Agaasimaha ayaa mid mid u dul istaagay waadhadhka, goobaha xafiisyadda iyo goobaha kale ee ay ka socdaan hawl maalmeedka dhakhtarka.
Ugu dambayntii agaasimaha ayaa aooqday Qaybta baadhitaanka Xanuunka Covid-19 si uu u ogaado Hawsha shaqo iyo habsami u socodkeeda xiligan oo uu Markii 3aad Soo Laba kacleeyay Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19.
Mudooyinkii u dambaysay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa dadaal adag ugu jirtay sidii looga hortagi lahaa loona xakamayn lahaa xanuunka safmarka ah Ee Covid-19.
Source: MOHD Facebook